Cabdi Jimcaale oo lagu dilay dalka South Africa

Kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa xalay saqdii dhexe waxaa ay muwadin Soomaaliyeed ku dileen Gudaha dalkaas, kaas oo ka mid ahaa dadka Ganacsi ahaan u tegay dalkaas.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdi Jimcaale ayaa  waxaa ay ku dileen xaafada Elsis oo Ka Tirsan Magaalada Cape Town ee Dalkaasi Koonfur Afrika, iyaga oo goobta ka baxsaday.

Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa gaaray halka dilka uu ka dhacay, iyada oo aysan u suurtagelin inay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay dilka muwaadinka Soomaaliyeed.

Weerarada  Soomaalida ayaa odobaadyadii la soo dhaafay waxaa ay kusoo bateen gudaha dalka Koonfur Afrika, waxaana habeen ka hor weerar toreey loo adeegsaday lagu dhaawacay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Xasan Cumar Jaliil.