Ganacsatada Gobolka Banaadir oo la kulmay Wasiirka Ganacsiga(SAWIRRO)

Wasiirka Ganacsiga Somaliya, Khaliif Cabdi Cumar ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Guddiga Ganacsatada Gobolka Banaadir, isagoo u kuurgelaaya xaaladda guud ee ganacsatada.

Wasiirka oo ay kulanka ku wehlinayeen Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga, Cabdulqaadir Shariif Sheekuna Maye, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda, Cali Maxamed Sheekh Bagadi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cabdicasiis Ibraahim Aadan ayaa ganacsatada la yeeshay kulan xog wareysi ah.

Kulanka ayuu ujeedkiisu ahaa is barasho iyo inuu Wasiirku xog ogaal u noqdo xaaladda ganacsatada iyo baahiyaha kala duwan ee ay qabaan, si wasaaradiisu gacan uga gaysato.

Ganacsatada ayaa Wasiirka uga warbixiyay caqabado soo wajaha ganacsatada dalka, taasoo ay sheegeen in loo baahanyahay in si wadajira wax looga qabto.

Ganacsatada ayaa Wasiirka u sheegay in ganacsiga dalka uu maanta marayo meel wanaagsan, isla-markaana ay ka ganacsato ahaan door weyn ka qaataan shaqo abuurka iyo horumarka guud ee dalka.

Wasiirka oo hadalka qaatay ayaa marka hore ganacsatada kaga mahadceliyay kaalintooda ku aadan horumarka dalka, isagoo dhanka kalana muujiyay sida ay muhiim ugu yihiin dalka iyo dadkaba.

Wasiirka ayaa xusay in loo baahanyahay in Dowladda Federaalka iyo ganacsatada ay yeeshaan iskaashi dhow, ka wasaarad ahaana ay dadaal ugu jiraan, sidii loo horumarin lahaa ganacsatada, isla-markaana ay wasaaraddu wax ka qaban doonto caqabadaha iyo tabashooyinka ay qabaan ganacsatada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com