SAWIRRO: Cumar Filish oo maanta dalka dib ugu soo laabtay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimadda dalka, kadib markii maalmihii lasoo dhaafay uu ku maqnaa dalka Turkiga.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Guddoomiye ku xigeenadiisa, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka iyo xubno kale.

Duqa Muqdisho ayaa marka hore ka mahaceliyay soo dhaweynta loo soo sameeyay, isagoona intaas kadib ka hadlay howlihii la qabtay inta uu safarka ugu maqnaa Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa bogaadiyey shaqadii la qabtay intii uu maqnaa, waxa uuna u mahad celiyey Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo ku xigeenadiisa Maamulka Gobolka Banaadir.

Cumar Filish ayaa muddooyinkii dambe wuxuu ku maqnaa dalka Turkiga oo xaalado caafimaad halkaasi u joogay.