SAWIRRO: Guddoomiyaha cusub Baarlamaanka Hirshabelle oo xilka la wareegay

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka labaad Maamulka Hirshabelle, ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay isaga & labadiisa Ku xigeen.

Munaasabadda oo ay goobjoog ka ahaayeen Xildhibaannada Hirshabeelle iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre uu xilka ku wareejiyay Guddoomiyaha Cusub Luqmaan Xaaji Muxumad, halka iyana Guddoomiye kuxigeennada 1aad iyo labaad ee xilka la wareegeen.

Sheekh Cismaan Barre Maxamed Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Hirshabelle ayaa la dardaarmay Guddoomiyaha cusub ee shaqada la wareegay.

Gudoomiyaha cusub ayaa sheegay inuu dar dargelin doono shaqada Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle.

Maalinta Arbacada ee todobaadkaan ayaa la filayaa in Xildhibaanada Hirshabelle ay doortaan Madaxweynaha cusub ee Maamulkaasi uu yeelan doono.