Wararkii ugu dambeeyay duulaanka lagu qaaday Gobolka Tigreyga

Ciidamada Militariga Itoobiya ayaa sii wada hawlgalka ka dhanka ah Maamulka Gobolka Tigreyga ee Waqooyiga Itoobiya, iyadoo ciidamaduna isu ballaarinayaan deegaanada Tigreyga.

Taliyaha cusub ee Ciidamada Itoobiya, General Berhanu Julla oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Federaalka ay la wareegeen Magaalooyinka Bakar iyo Dansha, iminkana ay ciidamada ku sii siqayaan Magaalooyinka Shire iyo Shiraaro.

Taliyaha ayaa sheegay in Ciidamada Federaalka ay gacanta ku dhigeen maleeshiyaad iyo askar ka tirsan Ciidamada Booliska ee deegaanada Tigreyga.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in waxa uu ugu yeeray burcadda TPLF cagta la marin doono, haddii aan cagta la marin buu yiri aanay Itoobiya heli doonin nabad buuxda.

Madaxweynaha Maamulka Tigreyga, Debretsion Gabresilasie ayaa sheegay in Xukuumadda Abiy Ahmed ay dhegaha ka fureysatay baaqyada caalamiga, isla-markaana ay dooratay dagaal. Waxa uu intaa raaciyay in Xukuumadda Addis Ababa ay qaadi doonto masuuliyadda khasaaraha ka dhasha hawlgalkan.

Gulufka ciidan ee ka socdo dhulka Tigreyga lama soo sheegin waxyeelo dadka rayidka ka soo gaartay, illaa iyo hadda inta laga warqabo, ha yeeshee hawlgalka ayaa saamayn muuqato ku yeeshay dadka deegaanka, kuwaa oo qaarkood bilaabay inay guryahooda ka cararaan.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay inay haataan jiraan isku dhacyo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka iyo Xoogaga Tigreyga. Illaa sideed goobood ayay xustay inay isku dhacyadaasi ka jiraan.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in malaayiin qof ay halis ugu jiraan inay ku barakacaan dagaalka, isla-markaana aan wax gargaar ahi la gaarsiin karin Gobolka Tigreyga, haddii Ciidamada Federaalka ay si weyn u hareereeyeen.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed iyo xulufadiisii hore ee Tigreyga ayuu Arbacadii xoogeystay khilaafkii ka dhaxeeyay, ka dib markii uu Ra’iisal Wasaaruhu amray in ciidamadu ay hawlgal militari ugu dhaqaaqaan Gobolka Tigreyga.

Tani waxay ka dambeysay markii uu Ra’iisal Wasaaruhu sheegay in maleeshiyaad taabacsan Maamulka Tigreyga ay weerareen saldhig ay degan yihiin Ciidamada Federaalka.

Dhanka kale Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa maanta xilka ka qaaday Wasiirkii Arrimaha Dibadda, Gedu Andargachew, waxaana jegadaasi loo magacaabay Demeke Mekonen, oo ku magacawnaa Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Itoobiya. Xilkan cusub ee loo magacaabay wax saamayn ahi kuma yeelan doono inuu sii ahaado Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Itoobiya. Wasiirkii xilka laga qaaday waa Gedu Andargachew ayaa loo magacaabay inuu noqdo Lataliyaha Amniga Qaranka.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaaraha ayaa xilka ka qaaday Taliyihii Ciidamada Itoobiya, General Adem Mohammed, waxaana xilkaasi loo magacaabay Kuxigeenkiisii General Berhanu Julla. Taliye Kuxigeenka Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa loo magacaabay General Abebaw Taddese, halka Demelasha Gebremichael loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Booliska Federaalka Itoobiya. Temesgen Tiruneh, Madaxweynihii Dowlad Deegaanka Amxaarada ayaa isna loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Sirdoonka.

Is bedeladan ayaa waxaa lagu macneeyay mid ay tahay in lagu dardargeliyo gulufka militari ee ka socda Waqooyiga Itoobiya, si meesha looga saaro Maamulkii Tigreyga. Xukuumadda Addis Ababa ayaa qorsheynaysa in Maamul Kmg ahi u dhisto gobolkaasi, marka meesha laga saaro maamulkii ka jiray.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com