Qarax lagu weeraray hoyga uu degan yahay Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Jubbaland

Wararka caawa laga helaayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG Maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan in caawa Qarax lagu weeraray hoyga uu degan yahay masuulkaasi.

Illaa laba bam gacmeed ayaa la sheegay in lagu weeraray gurigiisa, waxaana ka dhashay Khasaare.

Illaa Saddex ruux oo qoyska Guddoomiye Ku xigeenka ayaa ku dhaawacmay Labadaasi Qarax ee guriga Guddoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka lagu weeraray.

Gudoomiye ku xigeenka Barlamaanka Maamulka Jubbaland Cabdi baaley ayaa la sheegayaa inuu nabad qabo.

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa caawa hawlgalo waxa ay ka wadaan Magaalada Kismaayo oo waayahan falal amnidaro ay ka dhacayeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com