Ammaanka Jowhar oo si wayn loo adkeeyay

Amaanka Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle ayaa Saaka la adkeeyay, waxaana sababta keentay in la adkeeyo Ammaanka ay tahay doorashada Madaxweynaha iyo  Madaxweyne ku xigeenka oo Berri ka dhici doonta Gudaha Magalaadaasi.

Ciidan aad u farabadan ayaa lasoo dhoobay waddooyinka Jowhar kuwaasi oo amaaanka adkeynaya, waxaana ay baaritaanno ku sameynayan Gaadiidka iyo dadka soo galaya Magaalada Jowhar, waddooyinka iyo guud ahaanba Magaalada.

Murashixiinta u taagan Qabashada Xilka Madaxweyne ee Maamulka Hirshabeelle ayaa la filayaa in Maanta ay jeediyaan Khudbadahooda, waxaana ay ka hor jeedin doonaan Baarlamaanka Maamulkaasi.

Ciidamada Booliska & Nabad suggida Maamulka Hirshabelle ayaa lagu daadiyay xaafadaha Magaalada Jowhar, halkaasi oo hawlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayo ay ka wadaan.

Illaa Afar Musharax ayaa u taagan qabashada xilka Madaxweynaha & Madaxweyne Ku xigeenka Hirshabelle, kuwaasi oo u loolami doona xilalkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com