Ciidamo ka tirsan dowladda oo dhimasho & dhaawac ku noqday Qarax ka dhacay duleedka Dhuusamareeb

Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Somaliya ayaa dhimasho & dhaawac ku noqday Qarax ka dhacay duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Sinadhaqo ee duleedka Magaalada Dhuusamareeb, waxaana wararka ay sheegayaan in halkaasi ay ku dhinteen laba ka mid ciidanka.

Sidoo kale Qaraxaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay illaa 5 Askari, waxaana Qaraxa uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso oo lala eegtay Kolonyo gaadiid ay wateen Ciidanka.

Kolonyada ayaa waxa ay galbinaysay Taliyaha qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga dalka Somaliya.

Askarta Qaraxa ku dhimatay & kuwa ku dhaawacmay ayaa waxaa loo qaaday Magaalada Dhuusamareeb oo markii hore gaadiidkaan ay ka soo baxeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com