Dhacdo dad badani ka yaabisay oo caawa ka dhacday Guriceel

Dad la tuhunsan yahay inay yihiin dadka deegaanka ayaa caawa rasaas ku furay mid ka mida Masaajidda ku yaala Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Goobjooge ayaa sheegay inay dhacdadaasi dhacday, ka dib xilligii Salaaddii Maqrib ee caawa.

Goobjoogaha oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay inaanay jirin cid wax ku noqotay rasaastaasi, marka laga soo taggo inay ku dhacday dhismaha Masaajidka.

Masaajidkan oo lagu magacaabo Beder, kuna yaala xaafadda Towfiiq ayaa waxaa 12 sano ka hor albaabada isugu laabay Maamulkii Ahlu Sunna ee ka arriminayay Gobolada Dhexe.

Madaxdii Ahlu Sunna ayaa xilligaa sheegay in sababta loo xiray ay tahay in ardayda yar yar lagu baro fekerka khalafsan ee Shabaabnimada.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in Masaajidkaasi dib loo furay, ka dib markii uu meesha ka baxay Maamulkii Ahlu Sunna, dib u furistiisuna uu muran badan abuuray.

Ciidamada Booliska ee Guriceel ayaa gaaray goobtaasi, xilli ay ka baxsadeen dadkii rasaastaasi ka dambeeyay.

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaan weli ka hadlin falka lagu rasaaseeyay Masaajidkaasi, balse waxaa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in laba qof loo soo qabtay.

Dhacdadan ayay dadka qaarkii ku macneeyeen wax aad loola yaabo, iyadoona noqotay midda loogu hadalhaynta badan yahay magaaladaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com