Horjooge Shabaab iyo kuxigeenkiisii oo lagu dilay Gobolka Jubbada Hoose

Waxay faah faahin ka soo baxeysaa hawlgal ay maanta Ciidanka Xoogga Dalka ka fuliyeen Gobolka Jubbada Hoose, laguna dilay Sarkaal ka tirsanaa Ururka Al Shabaab.

Hawlgalkan oo ay fuliyeen Guutada 11aad ee Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose.

Korneyl Caddow Maxamed Sahal, Taliyaha Guutada 11aad ee Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in hawlgalkaasi oo ahaa mid qorsheysan lagu dilay Madaxii Jabhadaha Al Shabaab ee Gobolka Jubbada Hoose, Cabdi Ibraahim Saleebaan iyo kuxigeenkiisii.

Taliyaha oo la hadlay Idaacadda Ciidamada Qalaba Sida ayaa intaa ku daray inay jiraan saddex kale oo ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab, laguna dhaawacay hawlgalka.

Sida uu muujiyay Taliyaha horjoogaha hawlgalka lagu dilay ayaa ka biyo diiday inuu isa soo dhiibo, taasi bedelkeedana uu door biday inuu dagaalamo.

Korneylka ayaa ugu dambeen sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay ku daba jooggaan firxadka maleeshiyaad ka tirsan Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com