Mahdi Guuleed: Qoraalka Musharaxiinta quus ayaa ka muuqata

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka jawaabay warkii maanta ka soo baxay musharaxiinta madaxnimada dalka, ee ku dalbanayeen in wax laga bedelo Guddiyada Doorashooyinka Qaranka.

Musharaxiinta ayaa waxay sheegeen in guddiyada ay ku jiraan Saraakiil ka tirsan Hay’adda NISA iyo Shaqaalaha Rayidka Dowladda, iyagoona dalbaday in xubnahaasi la bedelo.

Mahdi Maxamed Guuleed, Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka ayaa sheegay inuu layaabay qoraalka ka soo baxay musharaxiinta, ee ay ku diidan yihiin Guddiyada Doorashooyinka.

“Waxa aan aad ula yaabay qoraal sida la sheegay ka soo baxay mas’uuliyiin ku isman murashaxiinta Madaxweynaha ee doorashada 2020/21.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka.

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka ayaa yiri “Qoraalkaas oo lagu duraayo Guddiyada Doorashooyinka, waxaa ka muuqday kalsooni-darro, quus iyo niyadjab.”

Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay “Waxa aan garan waayay faraqa u dhaxeeya Guddigii Doorashada Heer Federaal iyo Somaliland ee 2016 iyo kuwa 2020, oo ay labadaba ka soo dhex muuqdeen wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed, oo labada xafiis u kala shaqayn jiray ama ka shaqeeya.”

Laba iyo toban musharax ayaa qoraalka ay soo saareen ku sheegay inaanay ka qaybgeli doonin tartanka doorashada, haddii aan laga saarin xubnaha ay saluugsan yihiin.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com