Cali Guudlaawe oo loo doortay Madaxweynaha Hirshabelle

Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle ayaa waxaa maanta ka dhacday doorasho la sii ogaa Natiijadeeda.

Doorashadaan oo aheyd mid ugu xiisaha yareyd dhammaan doorashooyinkii maamul goboleedyada waxaa Madaxweynaha ku tartamay  Cali Guudlaawe Xuseen iyo  C/raxmaan Jimcaale Cismaan.

Cali Guudlaawe ayaa helay codad gaaraya 86 cod, halka Musharaxa la tartamaayay C raxmaan Jimcaale uu helay 13 cod.

Xildhibaanada codeynaayay ayaa waxa ay gaarayaan illaa 99 Xildhibaan oo guud ahaan Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle uu ka kooban yahay.

Doorashada Madaxweyne Ku xigeenka Hirshabelle ayaa iyana la filayaa goor dhaw hoolka inay ka bilaabato, waxaana ku tartamaya laba Musharax.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com