Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle & Ku xigeenkiisa oo Jowhar ka bilaabaneysa

Goordhow ayaa la filayaa inay magaalada Jowhar ka bilaabato doorashada madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ee maamulka Hirshabeelle.

Labo murashax ayaa u tartamaya xilka madaxweynaha kuwaas oo kala ah Cali Cabdillaahi Xuseen oo loo yaqaano Guudlaawe iyo Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan.

Labada murashax midkood waxa uu horey u ahaa madaxweyne kuxigeenka maamulka waqtigiisu dhamaaday, halka murashaxa kale aan sidaa loo aqoon.

Xilka madaxweyne kuxigeenka iyana waxa u tartamaya labada murashax ee la kala yiraahdo Maxamad Maxamuud Cabdulle oo horey u soo noqday wasiirka maaliyadda ee Hirshabeelle iyo Yuusuf Axmed Hagar oo loo yaqaano dabogeed oo isna horey u soo noqday gudoomiyaha gobolka Hiiraan.

Codeynta ayaa noqonaysa hal wareeg oo kaliya maadaama labo murashax oo qura ay ku tartamayaan kursi kasta. Sagaal iyo sagaashanka mudane ee ka tirsan golaha wakiilada ee Hirshabeelle ayaa codeynaya.

Madaxweynaha cusub ee la doorto waxa uu badali doonaa madaxweynihii waqtigiisu dhamaaday isla markaana is casilay Maxamad Cabdi Waare.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com