Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa maanta mari doono tijaabo, ay ku go’aaminayaan haddii ay Hirshabelle samata-bixin lahaayen iyo haddii ay ku sii hayn lahaayen dhib u dhaca ay maanta wajaheyso.
Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayay tahay inay maanta doortaan Madaxweynaha xigga ee Hirshabelle iyo Madaxweyne Kuxigeenka, iyadoo ay illaa afar musharax u taagan yihiin.
Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle iyo Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan ayaa u sharaxan kursiga Madaxweynaha, halka ay Madaxweyne Kuxigeenka ay u tartami doonaan Wasiirkii hore ee Maaliyadda Hirshabelle, Maxamed Maxamuud Cabdulle iyo Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed).

Hirshabelle waxay maanta joogtaa meel ka hooseysa afar sano ka hor halkii ay joogtay, marka aad eegto amniga, horumarka iyo sida ay uga dambeyso maamulada kale ee dalka ka jira.
Tani ayaa loo aaneeyaa inay ugu wacan tahay hoggaan curmaamiyay horumarkeedii, iyadoo dad badani ay qabaan in Hirshabelle xaaladdan ku sii jiri doonto, haddii aan la helin hoggaamiye oo horu-socodkeeda ka shaqeeya.
Waxay nasiib-darradu tahay in mid ka mida raggii la degay Hirshabelle uu maanta ugu cadcad yahay Doorashada Madaxtooyada. Dadkuna waxay saadaalinayaan in Cali Guudlaawe ku soo laaban doono Xafiiska Madaxtooyada, isagoo markaan u hanqal taagaya inuu noqdo Madaxweynihii 3aad ee Hirshabelle.
Cali Guudlaawe waa masuulka keliya ee Hirshabelle oo muddo afar sano ah ka hawlgala Madaxtooyda, iyadoo uu xitaa ka muddo dheeraa labadii Madaxweyne ee Hirshabelle soo maray, waa Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Maxamed Cabdi Waare, waana nin saameyntiisii lahaa mudadaasi, tiiyoo aan meesha laga saari karin doorkii uu ku lahaa masuq maasuqa la tuhunsan yahay in Madaxda Hirshabelle kula kacday dhaqaalihii ay ahayd in looga shaqeeyo horumarinta labada gobol, ee ay ka kooban tahay Hirshabelle (Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe).
Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ee dalka, dadka iyo diintaba u dhaartay ayaa Arbacadan laga dhawrayaa halka ay ku hoggaamin doonaan Hirshabelle-da cusub.
Reer Hirshabelle iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed waxa ay isha ku hayaan doorashadan ka dhaceysa Magaalada Jowhar, waa haddii ay is bedel samaynayan iyo haddii ay Hirshabelle ku sii hayn doonaan barteeda.
Si kastaba ha-ahaatee Hirshabelle ma qaadi karto afar sanoo kale oo dib u dhac, ayna tahay inaanan la dooran kuwii horey ugu fashilmay waajibaadkii loo igmaday. Cidda keliya ee dib u dhac kale ka badbaadin kartaa Hirshabelle waa Xildhibaanada dhalinyarada u badan.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com