Wasaaradda Caafimaadka oo daawooyin ka Guddoontay USAID

Wasaaradda Caafimaadka Somalia ayaa deeq daawooyin ah waxa ay ka guddoontay Hay’adda USAID, iyadoo deeqdaan loo soo marsiiyay Hay’adda save the children.

Masuuliyiinta wasaaradda ayaa sheegay daawadan inay tahay mid loogu talo galay u diyaar garoowga soolabakacleynta xanuunka COVID19 iyo cabsida laga qabo xaladaha kadhalan kara.

Wasaaradda Caafimaadka waxay u mahadcelinaysaa Hay’adaha USAID iyo Save the children sida wanaagsan ee ay u garabtaaganyigiin Wasaarada Caafimaadka xilliga adag gurmadka COVID19.

Isbitaalka martiini ayaa lagu gudoonsiiyay Wasaaradda Caafimaadka deeqdaan, waxaana guddoomay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com