Wasiirka Gaashaandhigga & Safiirka Mareykanka oo kulmay

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan la qaatay safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac iyo taageerada Mareykanku Soomaaliya ku siiyo la dagaalanka xagjirka iyo xoojinta ammmaanka sidii loo sii adkayn lahaa.

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya ayaa bogaadiyey dadaallada dib u habeynta ciidamada oo kaalin wayn ka gaysanaysa dhismaha ciidamada iyo tayadooda, si mustaqbalka ay u gaaraan hadafka dalku leeyahay oo ah inay amniga dalka oo dhan ku filnaadaan si Amisom looga maarmo.

Mareykanka ayaa taageero buuxda wuxuu siiyaa Ciidamada Xoogga dalka Somaliya, gaar ahaan Ciidanka Danab oo gacanta uu ku hayaa mareykanka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com