Yuusuf Dabageed oo loo doortay Madaxweyne Ku xigeenka Hirshabelle

Xildhibaanada 2aad ee Baarlamaanka Hirshabelle, ayaa maanta doortay madaxweynaha & Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Hirshabelle.

Madaxweyne ku-xigeenka Cusub ee dowlad goboleedka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa helay codad gaaraya isagoo 87 cod, halka uu musharaxii la tartamayay Maxamed Maxamuud Cabdulle uu ka helay Codad gaaraya 12 Cod.

Tartanka doorashada Hirshabelle ee Madaxweyne & Madaxweyne Ku xigeenka ayaa ahaa min hal wareeg, maadaama laba laba Musharax kaliya u tartamayeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com