Gudoomiyaha Degmada Hodan oo isku day dil ka badbaaday

Gudoomiyaha Degmada Hodan, Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhegajuun) ayaa caawa lagu qarxiyay Magaalada Muqdisho, xilli uu maraayay wadada 21October ee Degmada Waaberi.

Gaariga Gudoomiyaha ayaa waxaa lala eegtay Qarax Miino oo khasaare gaystay, waxaana halkaasi ku dhintay laba ka mid illaalada Gudoomiyaha Degmada Hodan.

Gudoomiyaha ayaa la sheegay in dhaawac uu ka soo gaaray Qaraxaasi, waxaana loola cararay Isbitaalka Digfeer oo hadda xaaladiisa Caafimaad lagu dabiibayo.

Qaraxa Gudoomiyaha lala eegtay ayaa wuxuu ahaa miinada nooca soo boodada ah ee meelaha fog fog laga hago.

Wadada 21 October ayaa waxa ay noqotay meel halis badan oo gaadiidka ay saaran yihiin Madaxda Dowladda Federalka Somaliya qaraxyo miino lagula eegto.

Dhaawaca Gudoomiyaha ayaa hadda lagu daweynayaa Isbitaalka Digfeer, halkaasi oo madax kala duwan ay gaareen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com