Ciidamada ammaanka Maamulka Puntland ayaa gacanta waxa ay ku dhigeen lacag fara badan oo lagu waday gaari.
Lacagtaan gaariga lagu waday oo aheyd Shiling Somali ayaa waxa ay gaareysay 1 Bilyan oo Shiling, waxaana la sheegay in loo waday dhanka Magaalada Boosaaso.
Ciidamada ayaa gaarigii siday lacagtan ku qabtay inta udhexaysa Kontaroolka deegaanka Al-xamdulilaahi iyo degmada Waaciye.
Duqa Degmada Qardho Mudane Cabdi Siciid Cismaan ayaa sheegay in lacagtaan ay kaga cabsi qabaan in lagu qalqal galinaayeen degaanada Puntland si sare loogu qaado sicir bararka ka jira magaalada.
Lacagta ayaa iminka waxaa lagu haayaa Magaalada Qardho, halkaasi oo la sheegay in la dhigay Bankiga Magaalada.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com