Golaha Shacabka oo ansixiyay Sharciga Adeegyada Baaritaanka Beeraha

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa galabta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Adeegyada Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed, ka dib markii akhrinta 3aad ay mariyeen.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa warbixin looga dhageystay Xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi oo xubin ka ah Guddiga Beeraha, Waraabka, Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumeysiga ee Golaha Shacabka.

Xildhibaanka ayaa Golaha Shacabka u faah faahiyay qodobada wax-ka-bedelka lagu sameeyay iyo meelaha siiqo ahaan loo saxay ee Hindise Sharciyeedkan.

Tani ayaa dood ka dhex dhalisay Xildhibaanada Golaha Shacabka. Qodobada aadka looga diiday waxaa ka mida Dhismaha Hay’adda Adeegyada Baaritaanka, Sharciyeynta Beeraha Soomaaliyeed iyo doorka Wasaaradda ee hay’adaasi.

Dood dheer ka dib waxay Xildhibaanada codka u qaadeen Hindise Sharciyeedkan, iyadoo ay haa ugu codeysay 139 Xildhibaan, iyadoo 3 ay diiday, halka 1 Xildhibaan uu ka aamusay, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiye Mursal.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Somaliya, Siciid Xuseen Ciid ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyay ansixinta Hindise Sharciyeedkan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com