Guddoomiyaha Baarlamaanka oo magacaabay Guddi

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan, ayaa wuxuu magacaabay Guddi Baarlamaani ah, kuwaasi oo baaritaan ku soo sameeya saameynta Cudurka Covid-19 uu dalka ku yeeshay.

Xubnaha Guddigan magacaabistooda waxa ay ku soo aaday, iyadoo dalka u diyaargaroobayo doorasho, islamarkaana aanan la ogeyn waxyaabaha ku soo beegay magacaabistan Guddigaan Baarlamaanka ka tirsan.

Guddigaan ayaa waxa ay ka kooban yihiin 9 Xubnood oo dhamaantood ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, loona xil saaray saameynta dhaqaale & saameynta kale ee uu dalka ku yeeshay Covid-19.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com