Madaxweynaha cusub Hirshabelle oo eedeyn u jeediyay Beesha Caalamka

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabelle ayaa eedeyn u jeediyay Beesha Caalamka, kadib hadal uu ka jeediyay Munaasabad ka dhacday Magaalada Jowhar.

Cali Guudlaawe Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabelle, ayaa ku eedeeyay xubnaha Beesha Caalamka inaysan taageero la garab istaagin Maamulkiisa, markii la dhisaayay.

Waxa uu sheegay Beesha Caalamka inay ka qayb qaadan jireen dhismaha Maamul Goboledyada kale ee dalka, islamarkaana dhismaja Hirshabelle aysan qayb ka aheyn.

“Beesha Caalamka wax gacan ah oo ay nagu siiyeen majirto dhismaha Hirshabeelle,anaguna waan tashanayā€¯ ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Madaxweyne Guudlaawe, ayaa ku ammaanay duubabka dhaqanka, guddiyadii doorashooyinka,dhallinyarada iyo ciidamada amniga howshii ay ka qabteen doorashadii Hirshabeelle, isagoo sheegay in beesha caalamka aysan wax kaalin ah ka qaadan doorashada Hirshabeelle.

Hirshabelle ayaa waxaa ka dhacay isbedel Hoggaamineed, waxaana laga sugayaa Madaxweynaha cusub inuu soo dhiso Gole Wasiiro.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com