Safaaradda Somaliya ee Kenya oo dib loo furay (SAWIRRO)

Waxaa maanta dib loo furay Safaaradda Somaliya ee Magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya, ka dib markii dayactir iyo dib u habayn ballaaran lagu sameeyay.

Safaaradda ayaan dayactir dhameystiran lagu samayn soddonkii sano ee ugu dambeysay, taa oo ka garan kartay dayaca muddooyinkii ugu dambeysay ka muuqday dhismahaasi.

Dhismahan ayay maxkamad ku taala Magaalada Nairobi dib u soo celisay 7-dii bishii December ee sanadkii 2010, ka dib markii sifo aan sharci ahayn looga iibiyay ganacsade Kenyan ahaa.

Ganacsadaha ayaa si aan sharci ahayn waxaa dhismaha Safaaradda uga iibiyay xubno xilligaa ka tirsanaa Safaaradda, waana sanado ka dib markii ay dhacday Dowladdii Dhexe.

Safiirkii hore ee Somaliya, Danjire Maxamed Cali Nuur (Americo) iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ayaa gacan weyn ka gaystay dib u soo celinta dhismaha Safaaradda.

Munaasabad maanta lagu qabtay Xarunta Safaaradda oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kaloo ballaaran ayaa xariga looga jaray dib u furista Safaaradda.

Dib furista Safaaradda ayaa waxay ku soo beegmaysaa, xilli uu ka soo reynayo xiriirkii labada dal, oo muddooyinkii ugu dambeysay uu xumaa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com