Guddoomiyaha Aqalka Sare oo dacwad ka dhan Farmaajo & Fahad u gudbiyay Beesha Caalamka

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Warqad dacwo ah u diray xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan Wakiilka QM eeArrimaha Soomaaliya Amb, James Swan, Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Amb, Francisco Madera.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in xilligaan wadanka uu ku jiro waqti kala guur ah oo la galayo doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal si ay xor iyo xalaal ugu dhacaan, hayeeshee uu ka digayo in doorashooyinka Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka kasoo galaya Gobolada Waqooyi ay faragelin ku sameeyaan Madaxweyne Farmaajo & Taliyaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com