Wiil Bajaajle ahaa oo lagu toogtay Muqdisho

Ciidan ka tirsan Nabad Suggida Somaliya ayaa maanta waxa ay dil ugu gaysteen Magaalada Muqdisho, wiil dhalinyaro ahaa oo ku shaqeysto Mooto Bajaaj.

Dilkan ayaa wuxuu ka dhacay Degmada Warta Nabadda, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoyska Siinaay & Foloransa.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Warsame, waxaana dilkiisa gaystay Ciidan ka tirsan Dharcadda Nabad Suggida.

Ciidanka dilka gaystay oo watay gaari yar oo nooca raaxadda ah ayaa ka baxsaday goobtii, waxaana la haayaa macluumaad ku saabsan Ciidankii baxsaday.

Maydka Marxuumka ayaa waxaa la geeyay Xarunta Dambi Baarista Ciidanka Booliska Somaliyed, halkaasi oo nidaamka maydadka la marsiiyo la mariyay.

Dhalinyarada ku shaqeysta Mooto Bajaajta ayaa waxaa dilal kala duwan loogu gaystaa Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com