Guddoomiyihii Degmada Yaaqshiid oo xilka laga qaaday & mid cusub oo la magacaabay

Guddoomiyihii Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir Muuse Geesey Jimcaale, ayaa xilkii laga qaaday, kadib Wareegto ka soo baxday Xafiiska Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish).

Guddoomiyaha cusub ee Degmada Yaaqshiid loo magacaabay, ayaa waxaa lagu magacaabaa Axmed Cabdullaahi Cariif.

Cariif wuxuu ahaa Sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida Somaliya, waana Sarkaal muhiim ah tani waxa ay muujinaysaa sida Saraakiisha Hay’adda NISA ugu dhex milmayaan maamulada Degmooyinka & Hay’addaha kale ee dowladda Somaliya.

Sidoo kale Maamlmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in xilalka laga qaado Guddoomiyeyaal Degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir, islamarkaana loo magacaabayo kuwa cusub.

Cumar Filish ayaa la sheegay inuu dagaal adag kula jiro Guddoomiyeyaasha sida wanaagsan ula shaqeeyay Xoogaga Wadaniyiinta, iyadoo hadda meesha ay ka baxeyso awoodii Xoogaga wadaniyiinta ay ku lahaayeen Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com