Wasiir Cawad “Kenya waa dalka noogu muhiimsan dalalka deriska”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Kenya ku tilmaamay inay tahay dalka ugu muhiimsan marka loo fiiriyo dalalka Somaliya deriska dhaw ay yihiin.

Isaga oo ka hadlaayay munaasabad ka dhacday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya Axmed Ciise Cawad wuxuu tilmaamay muhiimada Kenya u leedahay Somaliya.

Waxa uu sheegay dowladda Somaliya Afartii sano ee la soo dhaafay inay qaadatay door muhiim ah oo isku dhawaansho dalalka Gobolka ah, islamarkaana arrintaasi ay tahay mid wanaagsan oo Siyaasadda Arrimaha Dibadda Somaliya Xoogga lagu saaray.

“Soomaaliya waxay aaminsan tahay dalalka ugu muhiimsan in ay yihiin dalalka deriska nala ah sida Kenya, Ethiopia, Jabuuti, Eritrea iyo labada Suudaan . Adduunkii waa isku soo dhawaanayaa, anagana waxaan nagala rabaa in aanan qol iskusoo xirin oo aan la socono isbedela ka socda gobolka,” ayuu yiri Wasiir Cawad oo ka qeyb galay Munaasabadii lagu daah-furayay safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Nairobi.

Xiriirka Siyaasadeed ee ka dhaxeeya dalalka Somaliya & Kenya ayaa ah mid sii xumaanaya, maadaama Dowladda Somaliya ay ku adkeysatay joojinta qaadkii ka imaanaayay dalka kenya, halka midka ka yimaada Itoobiya uu si caadi ah Xamar uga soo dago.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com