Xildhibaanada Golaha Shacabka oo kulan muhiim ah ku leh Muqdisho

Xildhibaannada Golaha shacabka ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay kulan ku leeyihiin xaruntoooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Golaha ayaa kulankooda maanta waxaa looga hadli doonaa ajandayaasha kala ah:

1-U codeynta xubnaha guddiga adeega garsoorka

2- ucodeynta xubnaha guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa.

Golaha ayaa sidoo kale waxaa ay akhrinta sedexaad marsiin doonaan hindise sharciyeedka notaayooyinka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlaamanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhawaan golaha barlamaanka kula dar daarmay in xoogga la saaro dar dargalinta howlaha uharsan golaha

kulanka ayaa waxaa uu qeyb ka yahay kal-fadhiga 7-aad ee golaha oo ah midkii ugu dambeeyey maadama xildhibannada dib loo soo dooranayo waxaana horyaallo shuruuc uu kamid yahay dib-u eegista Dastuurka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com