Xildhibaanada oo Ansixiyay Guddiga Adeegga Garsoorka

Xildhibaanada Golaha Shacabka Somaliya ayaa goor dhaweyd Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxa ay ku ansixiyeen xubnaha Guddiga Adeegga Garsoorka dalka oo maanta Golaha la horgeeyay.

Xildhibaanada ayaa Cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xubnaha Guddigaan oo ka kooban 7 Xubnood, waxaa sidaasi sheegay Guddloomiyaha Golaha Shacabka Somaliya.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ku dhawaaqay natiijada Codeyntii loo qaaday Guddiga, wuxuuna sheegay inay ogolaatay ansixinta 145 mudane, wax diiday ma jira, sidoo kalena wax ka amuusayna ma lahan.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Golaha Shacabka usoo gudbiyay xubnaha guddiga Adeega Garsoorka iyo xubnaha guddiga la dagaalanka musuq maasuqa.

Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa mariyay aqrinta 3-aad Hindise sharciyeedka Nootaayooyinka, waxaa loo qeybiyay sidoo kale Qoondaha miisaaniyadda 2021.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com