C/raxmaan Cabdi Shakuur oo u digay Madaxweynaha Galmudug

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadajir C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame, ayaa digniin adag wuxuu u diray Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur ayaa uga digay Madaxweynaha Galmudug inuu faraha la galo arrimo ku qotoma ka shaqeynta hawlaha doorashada Somaliya, islamarkaana muhiim ay tahay inuu ka shaqeeyo danaha Maamulka Galmudug.

Sidoo kale Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ugu baaqay in uusan Maamulka Galmudug dib ugu celin halkii ay beeshay sanadkii 2016.

“Anaga waxaan aaminsanahay in Galmudug gudaheeda looga shaqeeyo ku fiican tahay, laakiin meesha Galmudug marka hore beeshay haddana beeleysa waxa waaye, marka ajande doorasho Federaal looga shaqeeyo 2016 halkaas ayay beeshay oo waxaa la isku dayay doorashadii xamar in looga shaqeeyo, wixii ka dhacay waa la ogaa, haddana tii ayaa socoto, Madaxweynaha waa uga digaynaa, Madaxweynaha, Golihiisa Wasiirada iyo Baarlamaanka danta galmuudug haka shaqeeyaan, haddii ay isku dayaan inay ugu shaqeeyaan doorasho Federaal Madaxweynaha hadda jooga tii 2016 meesheeda ayay marayaan.” Ayuu yiri C/raxmaan C/Shakuur.

Doorashada Somaliya ayaa waxaa ka taagan xiisad la xiriirta in Musharaxiinta Madaxweynaha aysan ku qanacsaneyn qaabka loo soo dhisay Guddiga ka shaqeyn doono Arrimaha Doorashooyinka oo ay sheegeen inay yihiin kuwa hal dhinac ah

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com