Taliyaha NISA oo Muqdisho kula kulmay Taliyaha Sirdoonka Talyaaniga

Taliyaha Ciidamada Nabadsugida & Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa waxaa uu la kulmay Taliyaha Siradoonka Talyaaniga (AISE) Gen. Giovanni Caravelli oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho.

Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa waxaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen sare u qaadida & xoojinta iskaashiga amni ee labada dhinac.

Ma jirto faah faahin intaasi ka baxsan oo lagu shaaciyay Bogga NISA, kaliya waxaa la soo dhigay qoraal kooban oo kulanka labada dhinac lagu shaaciyay.

Waxaa adag helitaanka xogta saxda ah ee labada Taliye ay ka wada hadleen, balse Taliyaha Nabad suggida Somaliya ayaa muddooyinkii dambe ku maqnaa Turkiga, inkastoo hadda Muqdisho uu ku sugan yahay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com