Waa maxay sababta shaqada looga eryay Gudoomiyihii Gobolka Sh/hoose?

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa is bedel ku sameeyay Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose.

Madaxweynaha ayaa Isniintii xilka ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax), isagoona uu xilkaasi u soo magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Siidii). Siidii ayaa horey xilkan u soo qabtay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in sababta xilka looga qaaday Gudoomiye Najax, ay tahay isagoo ka gaabiyay waajibaadkii loo igmaday.

Gudoomiyaha ayaa mar sii horeysay lagu eedeeyay inuu kala qaybinayo beelaha degga gobolkaasi, taasoona lagu tilmaamay mid kaga sii dari karta xaaladda markii horeba ka jirtay gobolka, marar badana waxaa Xafiiska Madaxweyne Lafta-gareen gaaray cabashooyin ka dhan ah.

Cabdulqaadir Siidii ayaa lagu ammaanaa doorkii muuqday, ee uu horaan ka cayaaray gulufkii militari ee Al Shabaab looga saaray inta badan Degmooyinka Gobolka Shabellaha Hoose.

Siidii oo loo arko mid ay ka go’an tahay dagaalka lagula jiro Shabaab ayaa laba jeer oo hore ka badbaaday isku dayo ay ku doonayeen inay ku qaarajiyaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com