Wararka laga helaayo nawaaxiga Isgoyska Fagax ee Degmada Yaaqshiid, ayaa ku waramaya in Qarax lala eegtay Kolonyo gaadiidka Ciidamada Amisom oo wadada maraayay.
Qaraxa ayaa wuxuu si gaar ah uga dhacay, halka loo yaqaan Masaajidka Turkiga ee wadada aado Dhanka Xaafadda Jamhuuriya, xilli halkaasi Ciidamada Amisom ay marayeen.
Jugta Qarax ayaa si wayn looga maqlay Degmooyinka Qaar ee Gobolka Banaadi, waxaana xigay Qaraxa kadib rasaas xoog leh oo ka dhaceysay Qoriga dhashiikaha.
Rasaasta ayaa waxaa ridaayay Ciidamada Amisom, waxaana ay qal qalgelisay Dadka deegaanka oo si wayn uga argagaxay.
Lama oga Khasaaraha Ciidamada Amisom Qaraxaasi ka soo gaaray, sidoo kalena lama oga Khasaaraha ka dhashay rasaasta Ciidamada Amisom ay rideen Qaraxa kadib.
Muddooyinkaan dambe Muqdisho waxaa ku soo badanaya Qaraxyada Miino ee lala eegto masuuliyiinta dowladda & Gaadiidka Ciidamada Amisom.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com