Ciidamada Jubbaland oo saddex qof ku dilay Kismaayo (SAWIRRO)

Ciidamada Jubbaland ayaa maanta saddex qof siyaabooyin kala duwan ugu dilay Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG Jubbaland.

Dilka hore oo loo gaystay askari lagu magacaabi jiray Maxamuud Maxamed Xaashi ayaa ka dhacay afaafka hore ee Magaalada Kismaayo. Dilkan ayaa waxaa gaystay Ciidamada Jubbaland oo askarigaasi ka kaxeystay hoygii uu ka deganaa magaalada.

Allaha u naxariistee Maxamuud Maxamed Xaashi ayaa ka mid ahaa ilaalada Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), isagoona ka tirsanaa Booliska Jubbaland. Marxuumka ayaa shaqada ka tagay, ka dib dilkii 26-kii bishii hore ee October magaaladaasi loogu gaystay Madaxii Amal Bank ee Magaalada Kismaayo, Cabdullaahi Cabdisalaan (Shigshigow). Dilka marxuum Shigshigow waxaa si dhow loola xiriiriyay Ciidamada Jubbaland.

Askariga maanta ku baxay gacanta Ciidamada Jubbaland ayaa maalmo ka hor waxa uu Warbaahinta ka sheegay in ay dil ugu hanjabtay Nabad Suggida Jubbaland. Waxa uu xilligaa sheegay haddii la dilo in uu ku baxay gacanta Nabad Suggida Jubbaland.

Dadweyne ka careysan dilkiisa ayaa isu soo bax ka dhigay xaafadaha Guulwade iyo Farjano ee Magaalada Kismaayo. Ciidamada Jubbaland oo bannaanbaxaasi ku baxay ayaa rasaasta nool nool u adeegsaday dadkii bannaanbaxa dhigayay.

Laba dumar ah ayaa ku dhimatay rasaastaasi, halka mid kalana ay ku dhaawacantay. Mid ka mida haweenka la dilay waxaa lagu magacaabi jiray Fardowsa Aadan Guure, waxayna ahayd xaamilo. Sidoo kale gabadha kale ay dileen Ciidamada Jubbaland ayaa maalmo ka hor uun ku umushay magaaladaasi.

Dhacdadan dadka rayidka ah lagu dilay ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacday Magaalada Kismaayo, mana jirto wax war ah oo Maamulka Jubbaland uu ka soo saaray.

Maamulka Jubbaland ayaa tacadiyo kala duwan u gaysta shacabka reer Kismaayo, tiiyoo aanay jirin cid si rasmiya ugala xisaabtanta.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com