Ciidanka Amisom oo dilay nin watay gaari dameer

Ciidamada Amisom ayaa waxa ay toogteen nin watay gaari dameer, kadib markii Qarax miino lagula eegtay meel ku dhaw Isgoyska Fagax ee Degmada Kaaraan.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa lala eegtay kolonyada Ciidamada Amisom, xilli ay marayeen meel ku dhaw Masaajidka Turkiga ee ku taallo agagaarka Isgoyska Fagax, dhanka Kaaraan.

Ciidanka Amisom ayaa qaraxa kadib waxa ay rideen rasaas xoog leh oo ka dhaceysay qoriga culus ee dhashiikaha loo yaqaan, waxaana rasaastaasi ay sababtay waxyeelo dad shacab ah.

Sidoo kale Ciidamada Amisom ayaa si bareer u toogtay nin watay gaari dameer oo meesha maraayay, kaasi maydkiisa Cabaar meesha yaalay ugu dambeyn dadka deegaanka halkaasi ay ka qaadeen.

Ciidamada Amisom ayaa xilliyada Qaraxyada Miinada lala eegto waxa ay rasaas aan loo meel dayin u rideen afarta jiho, rasaastaasi oo ka dhalata waxyeelo soo gaarta dadka shacabka ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com