Cumar Carte Qaalib oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa

Waxaa cisbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa ku geeriyooday Allaha u naxariistee Cumar Carte Qaalib oo ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somaliya.

Cumar Carte ayaa indhawaalaba ku xanuunsanayay Magaalada Hargaysa ee Somaliland.

Cumar Carte Qaalib wuxuu soo noqday Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

Wiil uu dhalay ayaa dhawaan iska casilay xilkii Xildhibaanimada Golaha Shacabka Somaliya, si uu Hargeysa ugu tago Aabihii oo xanuunsanaa.

Madax kala duwan ayaa ka tacsiyadeysay geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somaliya oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Sanadkan ayaa waxaa umadda Soomaaliyeed ka baxay Ra’iisal Wasaarihii 4aad ee dalka xil ka soo qabta, waxayna kala yihiin Xasan Abshir Faarax, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), Cali Khaliif Galeyr iyo Cumar Carte Qaalib.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com