Faah faahin: Garsoore Maxkamadeed oo lagu dilay Laascaanood

Kooxo hubeysan ayaa Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool waxay ku dileen Garsoore ka tirsanaa Maxkamadda Gobolka Sool, oo lagu magacaabi jiray Cabdillaahi Salaad Abokor.

Cabdikhani Maxamuud Jiidhe, Guddoomiyaha Gobolka Sool ayaa ka hadlay dilka xalay Garsoorahaasi loogu gaystay Magaalada Laascaanood, isagoona shacabka ka codsaday in halmeel looga soo jeesto kuwa liddiga ku ah amniga.

Guddoomiyaha ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay dilka loo gaystay marxuum Cabdillaahi Salaad Abokor, kaasoo cidda dishay aan la garanayn.

Qoraalka Guddoomiyaha ayaa u qornaa:

Alle ha u naxariisto Cabdillaahi Salaad Abokor oo ahaa Garsoore Maxkamadda Gobolka ayaa xalay lagu dilay Magaalada Laascaanood. Waxaan geeridiisa uga tacsiyadaynnayaa qoyskiisa, qaraabadiisa, asxaabtiisa, bulshada Gobolka Sool iyo guud ahaan Bahda Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana leeyahay dhammaanteen samir iyo iimaan Allaah inaga siiyo.

Geeridu waa xaq, waxaase dhammaanteen shacab iyo maamulba inagu waajiba inaan iska kaashano gacan adag-na iskaga qabano cid kastoo lid ku ah ammaankeenna iyo horumarkeenna. Laamaha nabad gelyada ee xilli kasta u taagan sugidda nabad gelyada, xilligana ku hawlan baadhitaannada iyo daba-galka falkan fulaynnimada ah ayaan shacabka ku booriniayaa inay garab istagaan oo ay la shaqeyaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com