Mareykanka oo liiska Argagixisada ku daray Saraakiil Shabaab ka tirsan

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa liiska argagixisada la baadigoobayo ku dartay laba sarkaal oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Labadan qof ayaa lagu kala magacaaba Cabdulaahi Cusmaan Maxamed iyo Maalim Ayman, kuwaasoo hadda ka tirsan saraakiisha sare ee ururka Al-Shabaab.

War-saxaafadeed ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa lagu sheegay, in Cabdulaahi Cismaan oo loo yaqaanno Injineer Ismaaciil uu yahay khabiir kooxda Al Shabaab u qaabilsan samaynta waxayaabaha qarxa isaga oo maamula howlaha samaynta iyo fulinta qaraxyada ay guud ahaan kooxdaasi fuliso.

Sidoo kale ninkan ayaa ah madaxa warbaahinta ururka ee Al Kataayib, isaga oo lataliye u ah ninka ku magacaaban amiirka Shabaabka.

Ninka labaad ee liiska aragagaxisda la baadigoobayo lagu daray ayaa ah Maclim Ayman. Sarkaalkan ayaa ah madaxa waxa lagu magacaabo Jaysh Ayman oo u qaabilsan shabaabka in ay fuliyaan werrarada Somalia iyo Kenya.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Macallim Ayman uu ahaa ninkii masuulka ka ahaa weeerarkii bishi Janauary ee 2020-ka lala beegsaday xerada Camp Simba ee dalka Kenya, halkaas oo lagu dilay askari Maraykan ah iyo laba qandraasle oo iyaguna u dhashayMaraykanka.

Xigasho VOA

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com