Rooble oo magacaabay xubno lagu kordhiyay Guddiyada Doorashada D/goboleedyada

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa magacaabay shan iyo toban xubnood, oo lagu kordhiyay Guddiyada Doorashada ee Dowlad Goboleedyada ku metelaya Doorashooyinka Qaranka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa min saddex xubnood ku kordhiyay Guddiyada Doorashada ee Dowlad Goboleedyada.

Xubnaha la magacaabay oo shan iyo toban gaaraya dhammaantood waxaa weeye rag, xubin haween ah xitaa kama muuqato magacaabidaan ugu dambeysay.

Magacaabidaan waxay imaaneysaa, iyadoo Jubbaland iyo Puntland aanay weli soo magacaabin Guddiyada Doorashada, ee dhankooda ka imaanaya, halka Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ay min sideed xubnood horey u soo magacaabeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com