SAWIRRO: Duqa Muqdisho oo xilalka u kala wareejiyay Ku xigeenada cusub & kuwii hore

Kadib markii Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu xilka ka qaaday Guddoomiye Ku xigeenadii, Amniga, Hawlaha guud, Maaliyadda & Xoghayahii Gobolka Banaadir, ayaa maanta waxaa xilkaasi cusub la wareegay masuuliyiinta cusub ee la magacaabay.

Munaasabad kooban oo ka dhacday Xarunta dowladda hoose ee Gobolka Banaadir, ayaa xilalkii looga wareejiyay Ku xigeenadii hore, waxaana xilalkaasi loo dhiibay masuuliyiinta cusub.

Duqa Muqdisho oo la dardaarmay masuuliyiinta cusub ayaa ku booriyay inay la yimaadaan shaqo hufnaan leh oo ku aadan isbedel muuqda oo Gobolka ay ka sameeyaan.

Sababta xilalka looga qaaday Ku xigeenadii hore ee Duqa Muqdisho ayaa waxa ay la xiriirtaa khilaaf soo kala dhexgalay Duqa Muqdisho & Masuuliyiintii la bedelay, taasi oo ugu dambeyn daaqada ka saartay raggii xilalka laga qaaday.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com