Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar, ayaa maanta gaaray Magaalada Beledweyne.
Xubnaha Wafdiga ayaa waxaa si wayn loogu soo dhaweeyay Magaalada Beledweyne, waxaana garoonka ku soo dhaweeyay qaybaha Bulshada & Maamulka.
Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar ( Dabageed) ayaa la filayaa inuu kulamo kala duwan la qaato Odayaasha dhaqanka Beledweyne.
Todobaadka soo socda ayaa la filayaa in Madaxweynaha Hirshabelle uu gaaro Magaalada Beledweyne, iyadoo Safarka maanta dabageed uu horudhac u yahay xubnaha Wafdigaasi.
Waa safarkii ugu horeeyay ee Madaxweyne Ku xigeenka Hirshabelle uu ku tago Magaalada Beledweyne tan & markii ay dhacday doorashada Maamulkaasi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com