Pompeo oo sameeyay arrin aysan horey u samayn diblomaasiyiinta Mareykanka

Mike Pompeo, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa maanta booqday dhulka reer Falastiin, ee ay xoogga ku haysato Israel (Daanta Galbeed).

Mike Pompeo waxa uu noqonaya diblomaasigii ugu horeeyay oo Mareykan ah, oo booqda dhulka uu deegaameynta ka sameeyay Maamulka Yahuudda.

Xilli ay wehlinayeen xubno ka tirsan Maamulka Tel Aviv ayuu Pompeo booqasho ku soo bixiyay xaafadaha ay Israel ka sameysay Daanta Galbeed, ayna ku nool yihiin qoysas Israeli ah.

Booqashadan ayaa ka careysiisay Falastiiniyiinta, waana mid ka tarjumeysa garabka uu Mareykanka ku siinayo Yahuudda haysashada dhulkaasi.

Dhanka kale Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Mike Pompeo oo uu la socdo Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gabi Ashkenazi ayaa maanta kormeeray Buuraha Golan Heights. Israel ayaa Golan Heights ka qabsatay Suuriya, sanadkii 1967-kii.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sanadkii hore buuraleyda la haysto ee Golan Heights u aqoonsaday dhul ay leedahay Israel. Tallaabadan waxaa cambaareysay bulshada caalamka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com