Taliye Ku xigeenkii hore NISA oo sheegay xubno NISA ka tirsan inay ku jiraan Guddiyada doorashooyinka

Iyadoo wali ay taagan tahay dooda la xiriirta in Guddiyada doorashooyinka ay ku jiraan xubno ka tirsan Nabad Suggida Somaliya, islamarkaana mucaaradka sidaasi ay ku doodayaan ayaa arrintaasi waxaa ka hadlay Taliye Ku xigeenkii hore ee Hay’adda Nabad Suggida Somaliya.

Taliye ku xigeenkii hore ee Hay’adda Nabdsugida Soomaaliya Ismaaciil Daahir Cusmaan ayaa sheegay in guddiyad ay ku jiraan xubno uu yaqaano oo ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya.

Illaa Shan xubnood ayuu sheegay inuu ka gartay Guddiyada heer Federal & heer Maamul Goboled, kuwaasi oo ka tirsan Nabad Suggida, islamarkaana arrintaasi ay tahay wax aanan la aqbali karin.

Wareysi uu siiyay Radio Risaala ayaa waxaa uu sidoo kale ka hadlay hadalkii uu shalay munaasabad ka dhaceysay Tiyaatarka Qaranka ka sheegay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka ee ahaa in doorashada Soomaaliya wareega 1aad lagu kala bixi doono si lamid ah doorashooyinkii ka dhacay, Galmudug, Koonfur Galbeed & Hir-Shabeelle.

Arrintaasi ayaa wuxuu ku tilmaamay sida dowladda Federalka Somaliya ay u doonayso inay u boobto doorashada la filaayo inay dhawaan dalka ka dhacdo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com