Wararkii ugu dambeeyay qarax ka dhacay maqaayad ku taallo Lafoole

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa Qarax miino oo ka dhacay maqaayad Askarta & dadka shacabkaba ay fariistaan oo ku taallo deegaanka Lafoole.

Qaraxan ayaa la galiyay maqaayada, waxaana uu dhacay, xilli dad shacab & Askar halkaasi ay ku wada sugnaayeen, iyadoo waxyeelo uu dhaliyay Qaraxa.

Inta la xaqiijiyay hal Askari & hal ruux oo shacab ayaa ku dhintay Qaraxaasi, sidoo kalena waxaa jira dhaawacyo dad shacab soo gaaray oo ka dhashay Qaraxaasi.

Maqaayada la qarxiyay ayaa waxa ay ku dhaw dahay halka loo yaqaan Shanta Golaha Sare oo ku dhaw goob Koontarool ah oo ciidamada gaadiidka lacago uga qaadaan.

Al Shabaab ayaaa isku daya si kasta oo ay ku beegsan karaan Ciidamada dowladda inay ku beegsadaan, iyaga oo aan u tureyn dadka shacabka ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com