Wasiirkii Arrimaha Dibadda Somaliya oo xilkii laga qaaday & mid cusub oo la magacaabay

Raisal Wasaare Mohamed Hussein Rooble ayaa u magacaabay Mohamed Abdirizak Mohamoud Abuubakar Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Dowladda Federalka Soomaaliya, kadib markii xilkii laga qaaday Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibadda Somaliya Axmed Ciise Cawad.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Safiir u magacaabay Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Danjire Ahmed Ciise Cawed.

Axmed Ciise Cawad oo qoraal kooban soo dhigay Boggiisa Twiterka ayaa sheegay inuusan diyaar u aheyn inuu qabto xil safiir & xil kale toona.

Cawad ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Somaliya intii ay soo wada shaqeeyeen, waxaana uu sheegay inuusan hadda diyaar u aheyn xil Safiir.

Sababta xilka looga qaaday Wasiir Cawad ayaa warar soo baxaya waxa ay sheegayaan inay ka dambeysay, kadib markii Boggiisa Twiterka uu ku beeniyay warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya oo looga hadlay mowqifka dowladda Somaliya ee dagaalka Itoobiya & Tigreega.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com