Emirate-ka oo VISAHA dal-ku-galka ka joojiyay Somaliya iyo dalal kale

Dowladda Emirate-ka Carabta ayaa 12 dal oo Somaliya ay ka mid tahay ka joojisay VISAHA dal-ku-galka, sababo ku aadan heerka dalalkaasi ee xanuunka COVID-19.

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Emirate-ka ayaa lagu sheegay in dalalkaasi lagu daray liiska dalalka ay xaaladdooda cudurka COVID-19 ay sareyso, sidaasi daraadeedna aan muwaadiniinta dalalkaasi la siin doonin dal-ku-galka dalkaasi.

Wadamada xanibaaddan lagu soo rogay waxaa ka mid ah Somaliya, Yemen, Syria, Iraq, Turkey, Iran, Afghanistan, Pakistan, Libya iyo Kenya.

Tani ayaa sidoo kale saamayn ku yeelan doonto ganacsatada, ardayda, dalxiise-yaasha iyo weliba dadka kale ee u dhashay dalalkaasi, ee Transit-ka ku ah garoomada dalkaasi.

Madaxa Maareynta COVID-19 ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliya, Dr. Cabdulqaadir Yuusuf Aadan (Jalaaludiin) ayaa sheegay inaanu garanayn sababta ay Xukuumadda Abu Dhabi ugu dartay Somaliya dalalka ay ka joojisay dal-ku-galka.

“Ma garan karo waxa ay Dowladda Emirate-ka ku qiimeysay Somaliya, mana fahmi kari waxa ay liiskaasi ugu dartay. Waxaa jira wadamo badan oo Somaliya ka daran, oo xanuunka si xowli ah uu ugu laba kacleeyay, oo xaaladaha la helo uu saddex god, afar god ka badan yahay, macnaheedu toban kun iyo ka badan oo qof in maalintii laga helo. Anaga hadda isbuuciiba waxaan mareynaa 81 qof oo keliya.” Ayuu yiri Dr. Jalaaludiin oo la hadlay BBC.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com