Wareysi: Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibbadda, Axmed Ciise Cawad

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay xil ka qaadista uu ku sameeyay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa Khamiistii si lama fillaan ahayd xilka uga qaaday Wasiir Cawad, isagoona ku soo bedelay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, oo noqonaya Wasiirkii Arrima Dibadeed ee ugu mudada yaraa, marka aad eegto labada bilood ee ka harsan muddo xileedka Dowladda Federaalka.

Wasiir Cawad oo la hadlay BBC ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ku wargeliyay in xilka laga qaadi doono, isagoona u soo bandhigay jego Safiirnimo, inkastoo uu jegadaasi iska diiday.

Axmed Ciise Cawad ayaa beeniyay in xilka looga qaaday beenintii uu beeniyay warqaddii ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ee Dowladda Federaalka kaga hadashay dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya.

Halkan kaga boggo wareysiga Wasiir Cawad

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com