Cabdi Xaashi oo magacaabay Guddiga Doorashooyinka Gobolada Waqooyi

Guddoomiyaha golaha aqalka ee Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta magacaanbay guddiga doorashooyinka xildhibaannada gobolada Waqooyi, xubnahaan ayaa  ka kooban ilaa 8 xubnood oo qaban doona doorashada gobolada Waqooyi kasoo galayo baarlamaanaka 11-aad ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa horay u magacaabay xubnaha Guddiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi, inkastoo Cabdi Xaashi uu ka soo horjeestay arrintaasi.

Lama oga sida guddigaan ay ku shaqeyn doonaan, maadaama Xukuumadda aysan raali ka aheyn magacaabista xubnahan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com