Musharaxiinta Mucaaradka oo lagu wado in shir uga furmo Muqdisho

Inta badan Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa maanta lagu wadaa in shir uu uga furmo Magaalada Muqdisho. Siyaasiyiintan ayaa waxaa u badan musharaxiinta u taagan jegada madaxtinimada ee dalka.

Shirkan ayuu qorshuhu yahay in looga hadlo xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, oo muran cusub uu hareeyay maalmihii la soo dhaafay.

Muranka ayaa soo ifbaxay 10-kii bishan, ka dib markii laba iyo toban musharax ay ka horyimaadeen dhabaha ay Dowladda Federaalka u mareyso maamulidda doorashooyinka.

Musharaxiinta waxa ay xilligaa sheegeen inaanay ka qaybgeli doonin waxa ay ugu yeereen doorasho ku shubasho iyo boob ah, iyagoona soo jeediyay in la bedelo xubnaha Guddiyada Doorashooyinka qaarkood, sababo ku aadan iyagoo sheegay inay ka tirsan yihiin Saraakiisha NISA iyo Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Federaalka.

Shirkan ayaa imaanaya, ka dib markii Dowladda Federaalka ay si cad uga hortimid in wax laga bedelo Guddiyada Doorashooyinka iyo Xalinta Khilaafaadka.

Musharaxiinta qaarkood ayaa Khamiistii iyo Jimcihii dalka dib ugu soo laabtay, si ay qayb uga noqdaan shirka lagu wado in uu ka furmo Caasimadda Muqdisho.

Xalay ayay ahayd markii ay kulmeen Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya, Xasan Cali Khayre iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, iyagoona ka heshiiyay khilaaf horey ugu dhaxeeyay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com