Abiy Ahmed oo 72 saac u qabtay Hoggaanka Tigreyga inay isu soo dhiibaan

Abiy Ahmed, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa muddo 72 saac ah u qabtay inay isu soo dhiibaan Hoggaamiye-yaasha Gobolka Tigreyga.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa war qoraal ah ku sheegay in hawlgalka uu galay heerkiisii 3aad, uguna dambeysay ee diiradda lagu saarayo qabashada Xarunta Maamulka Tigreyga ee Mekelle.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa warka waxa uu ku sheegay in Magaalada Mekelle loo qaban doono, sida ugu khasaaraha yar.

Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in dagaalku uu soo geba-gaboobi doono, marka ay isa soo dhiibaan Hoggaanka Tigreyga amaba la soo qabto.

Warkan ka soo baxay Xukuumadda Addis Ababa ayaa ku soo aadaya, xilli ay maanta Magaalada Addis Ababa gaareen ergada dhexdhexaadinta ee Ururka Midowga Afrika u xilsaaray colaadda Itoobiya.

Midowga Afrika iyo dalalka ay xulufada yihiin ayaa Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ku cadaadinaya joojinta dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya, khilaafkana lagu xaliyo wadahadal.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com